Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo maanta lagu lafo guri doonno arrimaha Soomaaliya

Waxaa maanta magaalada Cammaan ee dalka Urdun ka furmaya shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta, waxaana shirkaasi diiradda lagu saari doonnaa arrimo u badan xaaladda dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo xalay gaaray magaalada Cammaan ee dalka Urdun ayaa shirkaasi ka qeybgali doonna.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wada qodobo badan oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya, waxa laga doonayo dalalka Carabta iyo arrimo kale.

Madaxda dalalka Carabta ayaa falanqeyn ku sameyn doonna abaarta ka jirta dalka Soomaaliya, gurmadka loo baahan yahay, doorka dalalka Carabta iyo sidoo kale arrimaha la xiriira amniga.

Shirka markii uu soo dhammaado ayaa la filayaa in dalalka Carabta ay sameeyaan yabooh dhaqaale oo loogu talo-galay abaarta Soomaaliya, si shacabka dhibban loogu gurmado.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Urdun waxa uu la kulmi doonaa madax dhowr ah oo ka socota dalalka Carbeed.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!