XOG:- Dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo dhawaan ka bilaabanaya guud ahaan dalka Soomaaliya

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan qorsheynaysa in guud ahaan dalka Soomaaliya mar laga wada bilaabo dagaallo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab, waxaana la doonayaa in sanadkaan 2017-ka lagu soo afjaro dagaalladaasi.

Xog ay heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaysa in kullan u dhaxeeyay saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM oo ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho lagu falanqeeyay sidii loo qaadi lahaa weerarkaasi.

Waxaa kullankaasi la go’aamiyay in dhawaan heegan la geliyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, waxaana la cabiray magaalooyinka ugu horreeya ee la qaban doonno.

Xogta ayaa sheegeysa in dagaallada ay bilaaban doonaan Koonfur Galbeed, Puntland oo dhanka Galgala aadeysa, Hirshabeele, Galmudug iyo Jubbaland.

Dhawaan ayaa waxaa bilaaban doonna daabulka ciidamada iyo hubkii lagula dagaallami lahaa kooxda Al-shabaab.

error: Content is protected !!