DEG DEG:- Tiro hoobayaal ah oo daqiiqado kahor lagu weeraray xarunta madaxtooyadda Soomaaliya

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in tiro hoobiyaal ah daqiiqado kahor lagu weeraray xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Hoobiyaashaasi oo tiro ahaan gaaraya illaa 5 ayaa la sheegayaa in qaarkood ay ku dhaceen xarunta madaxtooyadda, halka qaar kalena ay ku dhaceen guryo ku dhaw madaxtooyadda.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli xarunta madaxtooyadda uu kulan uga socdo golaha wasiiradda cusub oo maalintii shalay ay xildhibaanada baarlamaanka cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen.

Warar hordhac ah oo kasoo baxaya qasaaraha ka dhashay weerarkaasi ayaa la sheegayaa inay gaarayaan dhaawaca qof oo la sheegay inay yihiin dad shacab ah.

Weerarkaan ayaa loo maleeynayaaa inay ka dambeeyaan Xarakada Al-shabaab, waloow aysan weli sheegan.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo hoobiyaal lagu garaaco xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!