Koox hubeysan oo saakay suuqa Siinaay ee degmada Wardhiigley ku dishay C/laahi Gacmo Gaab

Koox hubeysan ayaa saakay suuqa Siinaay ee degmada Wardhiigley ku dishay nin waardiye ka ahaa suuqaasi, kaas oo magaciisa lagu sheegay C/laahi Gacmo Gaab.

Dilka ninkaasi ayaa la sheegayaa inay ka dambeeyeen seddax nin oo ku hubeysnaa bistoolado, iyagoona dilka kadib goobtaasi isaga baxsaday.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa islamarkiiba soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo howlgalo baaritaano ah halkaasi ka sameeyay.

Allaha u naxariistee, C/laahi Gacmo Gaab ayaa la sheegayaa in mudooyinkii ugu dambeysay uu la kulmayay hanjabaadyo kala duwan, kaas oo kaga imaanaysay kooxda dilka u geysatay.

Tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa magaalada Muqdisho kusoo batay kooxo burcad ah oo dadka u geysta dhac iyo dhibaatooyin kale.

error: Content is protected !!