Ra’iisul wasaare Kheyre oo habeenkii xalay casho sharaf u sameeyay xildhibaanada baarlamaanka (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa habeenkii xalay casho sharaf u sameeyay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalintii shalay codka kalsoonida ah siiyay golaha wasiiradda cusub ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta casho sharaftaasi kasoo qeyb-gashay ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ahna ku-simaha madaxweynaha Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, golaha wasiirada cusub iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo hadal kooban ka jeediyay goobta ay casho sharafta ka socotay ayaa marka hore uga mahad-celiyey xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida ah oo ay ku ansixiyeen xukuumadda cusub iyo barnaamijka ay ku shaqeyn doonto.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in wada-shaqeyn oo dhex marta labada hay’adood ee fullinta iyo sharci dajinta ay muhiim u tahay in dalka uu ku tallaabsado horumar iyo isla xisaabtan dhab ah.

error: Content is protected !!