Somaliland iyo Khaatumo oo heshiis rasmi ah ku gaaray Jabuuti (AKHRISO+DHAGEYSO)

Waxaa maalintii shalay dalka Jabuuti heshiis is-afgarad ah ku kala saxiixday maamulada Somaliland iyo Khaatumo, kadib wadahadalo dalkaasi in muddo ah uga socday labadaasi dhinac.

Labada dhinac ayaa waxaa u kala saxiixay Maxamed Mixille Boqorre oo hormuud u ahaa wafdiga Somaliland iyo Maxamed Sheekh Cumar Xasan oo hogaaminayay wafdiga Khaatumo.

8-da qoddob lagu heshiiyay, waxay kala yihiin:-

1- In si sugan looga wada shaqeeyo arrinta nabadeynta, ee u dhaxeeysa beelaha walaalaha ah ee Baxar-same iyo Qayaad, si buuxdana loo taageero oo la garab istaago guddiga nabadaynta ee howshaasi gacanta ku haya.

A- In wixii farogelin ah gudaha iyo dibedaba ee waxyeelayn kara nabadaynta labadaasi beelood meel looga soo wada jeesto.
2- In howlaha abaaraha iyo horumarinta deegaanadaasi la iska kaashado si wadajir ah.

3- In hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha loogu baaqo inay ka howlgalaan dhamaan gobolada iyo degmooyinka aanay hore u tagi jirin, halkaasi oo aysan wax nabadgelyo darro ah ka jirin, loona sameeyo guddi wadajir ah.

4- In maamul daadejintu aasaas u tahay nabad ku wada noolaanshaha iyo kobcinta awooda bulshada la gaarsiiyo oo laga abuuro maamul iyo adeega bulshada meelaha aanay hore uga jirin, hay’adaha samafalkuna ay doorkooda ka qaataan.

5- In meel looga soo wada jeesto wax kasta oo caqabad ku noqon kara hanaanka wada-hadalka labada dhinac.

6- In wixii dhiig iyo dhaqan ku saaabsan lala kaashado odayaasha dhaqanka si wadajir ah.

7- Waxaa la isla qaatay in gudiga farsamadu soo diyaariyo shirka danbe, soona cayimo goorta iyo goorta sida ugu dhakhsaha badan.

8- Waxaa la isla qaatay in yoolka wada-hadalkan uu saldhig u yahay is-aaminid, wada-shaqayn, nabadgelyo Iyo horumar dhan kastaba ah.

error: Content is protected !!