XOG:- Ciidamada dowladda oo wax ka ogaa madaafiicdii shalay lagu garaacay nawaaxiga madaxtooyadda

Waxaa maalintii shalay abaare duhurnimadii hoobiyeyaal lagu garaacay nawaaxiga xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, xilli la diyaarinayay shirka golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya.

Xog ay heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa waxay sheegeysaa in ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa NISA ay fududeeyeen weerarkaasi.

Ciidankaan ayaa fasaxay gaarigii hoobiyeyaasha tuuray, waxaana la sheegay inay gudaha degmada Warta Nabadda ka dhex tuureen hoobiyeyaashaas.

Sidoo kale, gaariga ayaa maray isgoyska Felorensa ee magaalada Muqdisho, waxaana sii daayey ciidankii NISA ee halkaasi joogay, waliba markii uu dantiisa fushaday waa uu kusoo laabtay.

Gaariga hoobiyeyaasha shalay laga tuuray waxaa la sheegay in sidaan oo kale marar badan uu halkaasi hoobiyeyaal uga tuuray, kuna weeraray xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!