Ciidamada Jubbaland oo saakay howlgallo culus ka wada magaalada Kismaayo

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in saakay ay howlgal ballaaran ka wadaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Warar ay heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Jubbaland ay ku faafeen dhammaan xaafahada magaalada Kismaayo ka kooban tahay.

Dad u badan dhallinyaro ayeey ciidamadan kala soo baxeen guryahooda, kuwaasi oo la isugu keenay meel barxad ah.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa u sheegay warbaahinta Bulshoweyn in kaliya amniga la xaqiijinayo, ciddii aan dambi lahaynna lasii deyn doono.

Wixii warkaan kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allaah

error: Content is protected !!