Dab xoog badan oo caawa ka kacay suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho

Dab xoog badan ayaa maqribnimadii caawa ka kacay suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho, kaasi oo loo yaqaano Suuq Bacaad ee ku yaalla degmada Yaashiid ee gobolka Banaadir.

Dabkaan ayaa ka bilawday guri ku yaalla Suuqa, waxaana uu markii dambe ku faafay sida la sheegay xarumo ganacsi oo halkaasi ku yaalla.

Waxaa sababay in dabkaan kaco koronto cilladeysnayd oo ka kacday gurigaasi, waxaana burburay bakhaaro lagu iibiyo raashiin iyo xarumo kale oo ganacsi.

Inta aanu dabka kusii faafin qeybaha kale ee suuqa, waxaa durba halkaasi u gurmaday dab-damisyada maamulka gobolka Banaadir, kuwa shirkadda Hormuud iyo shacabka degmada Yaaqshiid, kuwaas oo ugu dambeyn ku guuleystay daminta dabkaasi.

Dabkaan ayaa haddii uu faafi lahaa waxaa ka dhalan lahayd khasaaraha hanta badan oo shacabka Soomaaliyeed, maadaama suuqa uu yahay midka Labaad ee ugu weyn dalka.

error: Content is protected !!