DEG DEG:- Qarax aad u xooggan oo goor dhow ciidamo Itoobiyaan ah lagula eegtay Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaan 15 KM u jira degmada Ceelbuur ee gobolkaasi ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax aad u xooggan oo lala eegtay gadiid ay la socdeen ciidamada Itoobiya.

Qaraxaan oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa dhawaqeeda waxaa laga maqlay meelo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud, waxaana lagu soo waramayaa inay la kacday gaari nooca Uuraalka loo yaqaano.

Miinadaan ayaa ku aasneyd sida naloo sheegay meel waddo ah oo ay gaadiidka maraan.

Ciidamada ayaa rasaas kor u ridaya, lamana oga khasaaraha ciidankaasi kasoo gaaray qaraxaasi Miinad ah.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!