DEG DEG: Xildhibaan hore oo ku geeriyooday garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Xildhibaan hore Cali Cumar Nuur ayaa goordhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Xildhibaanka ayaa la sheegayaa inuu kusoo booday xanuun dhanka wadnaha ah oo maalmihii ugu dambeeyay uu ka sheeganayay.

Ehalada marxuumka dhintay ayaa inoo sheegay in hadda loo waday dhanka dibadda si loo soo daweeyo, balse ay tiisa dhammaatay.

Allaha u naxariistee Cali Cumar Nuur ayaa ka tirsanaa baarlamaankii sagaalaad ee dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana hadda dib loogu soo celiyey hoygiisa, si aas loogu sameeyo.

error: Content is protected !!