Jadwalka doorashada cusub ee madaxweynaha Galmudug oo maanta lasoo saaray (AKHRISO)

Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa maanta soo saaray jadwalka doorasho cusub ee madaxweynaha maamulkaasi, taasi oo dhici doonta 10-ka bishaan aynu ku jirno April ee 2017-ka.

Guddigaan ayaa xildhibaannada baarlamaanka maamulka Galmudug u gudbiyey jadwalkan, sidoo kalena waxay usoo bandhigeen saxaafadda.

Jadwalka hoos ka akhriso:-

  1.    1-5 Bisha:- Araaji Qabasho
  2.    6 Bisha:- Doodda Musharixiinta
  3.   8 Bisha:- Hadal-jeedinta Musharixiinta
  4.   10 Bisha:- Doorashada Madaxweynaha

Siyaasiyiin caan ah ayaa u sharaxan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug, waxaana sidoo kale xubnaha sharaxan ku jira xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaaanka federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!