Khasaare ka dhashay dagaal culus oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay gobolka Baay

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa iney weerar culus ku qaadeen fariisin ay ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ku lahaayeen duleedka magaalada Baydhabo, waxaana halkaas ka dhacay dagaal qaraar.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey 4 kamid ah dhinacyadii dagaallamay, waxaana ku dhaawacmay ku dhowaad 5 kale sida ay inoo xaqiijiyeen goob joogayaa ku sugan magaalada Baydhabo.

Maamulka gobolka Baay iyo Xarakada Al-shabaab weli wax war ah kama aanay soo kala saarin dagaalkii xalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.

Al-shabaab ayaa sidaan oo kale marar badan waxay weerar ugu qaadday magaalada Baydhabo iyo sidoo kale deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed.

error: Content is protected !!