Madaxweyne Cosoble oo kulan la qaatay guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr Cali C/laahi Cosoble ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka, iyagoo ka wada hadlay arrima quseeya xuduudaha iyo federaalka iyo wada shaqeynta maamulka iyo guddiga.

Xubnaha kulanka madaxweynaha la qaatay ayaa waxaa hor kacayay guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka Khaliif C/kariin Maxamed, waxaana ay ka wada hadleen tabasho maamulka Hirshabeelle uu qabay, iyagoo ka turxaan bixiyay misana ka qanciyay, waxaana sidoo ay kala hadleen shir dhowaan magaalada Muqdisho ka dhacaya oo looga hadlayo arrimaha xuduudaha iyo doorka dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Khaliif C/kariin Maxamed oo ah guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka ayaa sheegay in uljeedada kulankaan uu ahaa in la dhageysto talooyinka Hirshabeelle iyo hay’adaha quseeya arrimaha xuduudaha iyo federaalka.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin la kulanka madaxweynaha Hirshabeelle Dr Cali C/laahi Cosoble iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, waxaana uu sheegay in ay diyaar u yihiin la shaqeynta maamulka ayna dhawaan booqan doonaan deegaanada Hirshabeelle, gaar ahaan magaalada Jowhar ee xarunta dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr Cali C/laahi Cosoble ayaa guddiga u ballanqaaday wada shaqeyn buuxda, waxaana dhinaca kale uu ku dheeraaday ka sheekeynta xadka gobolka Banaadir uu la wadaago Hirshabeelle iyo sida muhiimka ay u tahay ku dhaqanka xadkaasi, iyo in ay wada shaqeeyaan wasaaradda shaqo wadaaga ay yihiin ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Hirshabeelle.

Kulanka Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle uu La qaatay Guddiga Xuduudaha Iyo Federaalka ayaa waxaa goob joogo ka ahaa Qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada Sida Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Hirshabelle. Waxaana uu ku soo dhamaaday Jawi Isfahan ah.

-Dhamaad-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle
Directorate Of Media & Public Relation Office Of The President Hirshabeelle State Of Somalia

error: Content is protected !!