Qaraxyo kala duwan oo maanta AMISOM lagula eegtay gobolka Sh/hoose

Labo qarax oo kala duwan ayaa maanta ciidamo ka tirsan AMISOM lagula eegtay gobolka Sh/hoose, waxaana qaraxyadaasi ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxii koowaad ayaa ka dhacay duuleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, waxaana qaraxaasi lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamada AMISOM, wuxuuna qaraxa ahaa miino nooca dhulka lagu aasay.

Labo kamid ah ciidamada AMISOM ayaa la xaqiijiyey inay qaraxaasi ku dhinteen, dhaawacanna intaasi ayuu ka badan yahay.

Qarax labaad ayaa isna ka dhacay duuleedka magaalada Marka, waxaana lala eegtay gaadiid AMISOM ah oo dhanka Shalanbood kusii jeeday, iyadoo qaraxaasi uu ku dhintay hal askari oo kaliya.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda labadaasi qarax, dhanka kalena AMISOM weli wax war ah kama aysan soo saarin qaraxyadaasi.

Ciidamada AMISOM ayaa marar badan sidaan oo kale waxaa qaraxyo lagula eegtay deegaanno kamid ah gobolka Shabellaha Hoose.

error: Content is protected !!