Wariye Hanad Cali oo maanta lagu qafaashay duuleedka magaalada Muqdisho

Koox hubeysan ayaa maanta duuleedka magaalada Muqdisho ka afduubtay wariye Hanad Cali Guuleed oo ka tirsanaa Idaacadda iyo TV-ga Goobjoog.

Wariye Hanad ayaa la qafaashay xilli uu kusoo baxay gurigiisa ku yaalla duuleedka magaalada Muqdisho islamarkaana kusoo wajahnaa xaruntiisa shaqada, waxaana qafaashay rag hubeysan oo xiran dareeska ciidanka.

Afada Hanad ayaa xaqiijisay in habeenkii xalay ahaa oo dhan lasoo wacaayey wariyaha, loona hanjabayey balse dadka soo hanjabaayey waxay ahaayeen weli lama oga.

Maamulka Idaacada Goobjoog oo aynu la xiriirnay ayaa waxay inoo sheegeen oo kaliya inay maqleen in wariyahooda la xiray, welina faah faahin kale lama hayo.

Hanad Cali Guuleed ayaa kamid ah ragga mudada dheer kusoo dhex jiray saxaafadda Soomaaliya, waxaana maalmihii dambe uu waday barnaamij Samafal oo ah Media For Aid.

Wixii warkaan kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allaah

error: Content is protected !!