XOG: Dowladda Farmaajo oo markii ugu horreysay ka farxineysa shaqaalaha guud ee dowladda

Dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa bishaan cusub ee April, waxay ka farxin doontaa dhammaan shaqaalaha dowladda.

Bishaan waxaa bilaabanaya bixinta tooska ah ee mushaaraadka ciidamada iyo sidoo kale shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

Ilo ku dhow wasaaradda maaliyadda ee dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta Bulshoweyn in mushaarka shaqaalaha dowladda maanta la bilaabayo bixintiisa.

Mushaarkaan ayaa haddii la bixiyo waxa uu noqonayaa 8 bil kadib shaqaalaha dowladda oo helaya xuquuqdii ay lahaayeen, waxaana middaasi horey u ballanqaaday madaxweyne Farmaajo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa inta badan bixin jirin mushaarka shaqaalaheeda, waxayna taasi keentay in dowladnimadii oo dhan ay dhanka laaluushka u weecatay.

error: Content is protected !!