XOG: Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo kamid ah ragga ugu cad cad ee xilka madaxweynaha Galmudug

Xog ay si hoose u heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaysa in ragga ugu cad cad ee xilka madaxweynaha maamulka Galmudug uu kamid yahay xildhibaan Axmed Macallin Fiqi.

Siyaasiyiin kasoo jeedda beesha Habargidir ayaa u xaqiijiyey Bulshoweyn in markaan shaqsigaan loo rabo inuu qabto xilkaan, maadaama ay u arkeen inuu yahay shaqsi waxbadan qaban kara.

Siyaasiyiintaan ayaa sheegaya in Fiqi uu ahaa shaqsigii kaliya ee ciriiriga geliyey C/kariin Guuleed xilligii doorashada, haatanna isaga kaliya uu ku haboon yahay xilkaasi.

Fiqi ayaa ka tirsan xildhibaannada golaha sahcabka, waxaana uu meesha ka saari doonaa xubunnimadiisa marka uu isku soo taago xilka madaxweynaha Galmudug.

10-ka bishan waxaa magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ka dhici doonta doorashada xilks madaxweynaha maamulka Galmudug oo ay u taagan yihiin musharraxiin caan ah.

error: Content is protected !!