Baarlamaanka Jubbaland oo maanta kulan xasaasi ah ku leh magaalada Kismaayo

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa maanta oo Axad ah waxa ay kulan xasaasi ah ku leeyihiin xaruntooda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, kaasi oo arrimo badan looga hadlayo.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa furi doonna kalfadhigga baarlamaanka Jubbaland, waxaana uu jeedin doonnaa khudbad la xiriirta xaaladda uu dalka iminku maraayo.

Xildhibannada Jubbaland ayaa ka hadli doonna arrimaha amniga iyo sidoo kale abaaraha guud ee ka jira dalka, gaar ahaan deegaannada maamulkooda uu ka arrimiyo.

Labo bil oo fasax ah ayeey ku maqnaayeen xildhibaannada dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana hadda si toos ah u bilaabayaan howlahooda shaqo.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allah.

error: Content is protected !!