Cabsi dagaal oo maanta laga soo sheegayo magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose

Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in saakay halkaasi ay ka taagan tahay cabsi dagaal oo aad u daran.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegayaa iney kusoo wajahan yihiin dhanka gudaha magaalada Marka, kuwaasi oo u muuqda iney isa soo abaabuleen.

Shacabka ayaa markii ay ka warheleen in dhankooda Al-shabaab kusoo wajahan yahay waxay bilaabeen iney isaga baxaan xaafadaha qaar ee magaalada Marka.

Ma jiro wax ganacs ah oo saakay ka furan magaalada Marka, waxayna dadka oo dhan ka baqayaan in lagu dul dagaallamo.

Magaalada Marka waxaa fariisin weyn ku leh ciidamada AMISOM, waxaana marar badan magaaladaasi ka dhacay dagaal khasaare geystay.

Wixii warkaan kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

error: Content is protected !!