Ciidamada Al-shabaab oo la wareegay deegaan ku dhow magaalada Baydhabo

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Xarakada Al-shabaab ay la wareegeen deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay, kaasi oo 30 KM u jira magaalada Baydhabo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay isaga baxay deegaanka Goofgaduud, waxaana la sheegayaa in ciidamada Al-shabaab ay qabsadeen.

Dad ku sugan deegaanka Goofgaduud oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn waxay sheegeen in Al-shabaab ay howlgallo ka wadaan deegaankaasi, waxaana laga baqayaa in halkaasi dagaal iney ku qaadaan ciidamada dowladda.

Sidaan oo kale ayaa horey ciidamada dowladda waxay u faarujiyeen deegaanka Goofgaduud, hase ahaatee abaabul dheer kadib waa ay ku laabteen.

Illaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ay isaga baxaan deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay.

error: Content is protected !!