DEG DEG:- Shaqaale ka tirsan wasaaradda maaliyadda oo lagu weeraray Muqdisho

Koox hubeysan ayaa weeraray gaari ay la socdeen shaqaale ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhaawac ah.

Gaari ay la socdeen shaqaalahaan ayaa lagu weeraray degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu hor-jaray gaari kale oo ay dableyda saarneyd.

Gaariga waxaa saarnaa shaqsi magaciisa lagu sheegay Cabdi Dheere, wuxuuna kamid yahay mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda, balse shaqada uu ka qabto wasaaradda lama sheegin.

Waxaa dhaawacmay shaqsigaan iyo labo ruux kale oo wasaarada maaliyadda kala shaqeynayey, waxaana markii uu weerarkaan dhacay kadib halkaasi ka baxsaday dableydii.

Maamulka gobolka Banaadir iyo taliska booliiska ee gobolka weli kama aanay hadal weerarkaan.

Falalka sidan oo kale ah ayaa kusoo batay magaalada Muqdisho, waxaana marar badan sidaan oo kale Muqdisho uga dhacay weeraro lagu qaarajiyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!