Maamulka Hirshabelle oo wada qorshe ay ku qaadanayaan degmooyin ka tirsan Muqdisho

Maamulka Hirshabelle ayaa wada qorshe ballaaran oo ay ku sheegayaan in degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ay kaga mid yihiin deegaannada maamulkaasi uu ka arrimiyo.

Madaxweynaha maamulkaasi Cali C/laahi Cosoble ayaa dhawaan sheegay in xaafado ka tirsan degmooyink Kaaraan iyo Heliwaa ay ka tirsan yihiin Hirshabelle, wuxuuna tilmaamay in xuduudda maamulkaasi halkaas tahay.

Cosoble ayaa tilmaamay in aanu maamulkiisa ka hari doonin taako xuduuddiisa ah, islamarkaana ay kula xisaabtami doonaan cid walbo oo ay la wadaagaan.

Waxa ay arrintani timid kadib markii maamulka gobolka Banaadir uu sheegay in garoonka Cisaleey uu kamid yahay gobolka Banaadir, taasi oo madaxweynaha Hirshabelle uu aad uga carooday.

Guddiga xuduudaha federaalka ayuu madaxweyne Cosoble ku wargeliyey inuu doonayo in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu caddeeyo xuduudaha maamulkiisa.

error: Content is protected !!