Madaxweyne Gaas oo magacaabay wasiiru dowlayaal iyo wasiir ku-xigeeno cusub (AKHRISO)

Wareegto maanta kasoo baxdey xafiiska madaxweynaha maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa xilal loogu magacaabay labo wasiiru dowle iyo labo wasiir ku-xigeeno oo golaha wasiiradda maamulkaasi ka mid noqon doonna.

Madaxweyne C/weli Gaas ayaa wasiiru dowlaha cusub ee wasaaradda warfaafinta isgaarsiinta, hidaha iyo dhaqanka, u magacaabay agaasimihii hore ee teleefishinka Puntland C/fitaax Ashkir Nuur, kadib markii muddo 6 bilood ka hor uu xilkaasi iska casilay Maxamuud Soocadde.

Sidoo kale, C/weli Seed Cilmi oo hore u ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha ee maamulka Puntland ayaa laga dhigay wasiiru dowlaha cusub ee wasaaradda xanaanada xoolaha.

Wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaaradda warfaafinta hiddaha iyo dhaqanka Puntland ayaa isna waxaa loo magacaabay C/risaaq Cumar Ismaaciil (Sheekh Adduun), kaas oo hore u ahaa wariye iyo la-taliye arrimaha saxaafadda ee madaxweyne Gaas.

Nuur Axmed Yuusuf oo isna hore u ahaa wasiir ku-xigeenkii wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa isna loo badelay wasiir ku-xigeenka wasaaradda xannaanada xoolaha.

Hoos ka aqriso wareegtadda uu soo saaray madaxweyne Gaas

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray degreeto xeer madaxweyne Lr.39 ee April 02 2017 kuna saabsan magcaabis wasiiru dawlayaal iyo wasiiro kuxigeeno.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.
Markuu tixgeliyey. Aqoontooda iyo khibradooda shaqo
Markuu latashaday: Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Cabdiweli Seed Cilmi loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

Waxaa Cabdifataax Ashkir Nuur loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.

Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil ( Sheekh Aduun) loo magcaabay wasiir kuxigeenka wasaarada warfaafinta hiddaha iyo dhaqanka.

Waxaa Nuur Axmed Yuusuf loo magcaabay wasiir kuxigeenka wasaarada xanaanada xoolaha.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

error: Content is protected !!