XOG:- Soomaaliya oo dhawaan gali doonta dagaal cusub oo ka duwan midka Al-shabaab

Tan iyo wixii ka dambeeyay burbruka dalka Soomaaliya waxaa jiray dagaallo kala duwan, kala weji ah oo dalka ka dhacay, waxayna galafteen nolosha dad badan oo shacab ah.

Dagaalkii ugu horreeyay ee dalka Soomaaliya ka dhacay waxa uu ahaa midkii lagu bixiyey dowladda dhexe ee uu hoggaaminayey Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa xigay dagaalkii beelaha oo ku lamaansanaa midkii Hoggaamiye kooxeedyadii, kaasi oo muddo badan dalka ka soconayey.

Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa dagaal bilaabay, waxaana isna uu la tagay nolosha kumanaan ruux oo Soomaaliyeed, waxaana dagaalkaasi sii xigey midka Al-shabaab oo ilaa iyo haatan socda.

Xogtu waxay sheegeysaa in dagaalka Al-shabaab uu xigi doono dagaalka federaalka, waxaana la isku dagaalli doonaa arrimaha xuduudaha, waxaana is qaban doonna maamul goboleedyada ka jira dalka.

error: Content is protected !!