Cabsi aad u daran oo xilligaan soo wajahday wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho

Cabsi aad u daran ayaa xilligaan soo wajahday wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, tan iyo wixii ka dambeeyay afduubkii lagula dhaqaaqay wariye Hanad Cali Guuleed.

Wariyaasha Muqdisho ayaa haatan u muuqda kuwo dib usoo xusuusanaya dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ay soo mareen, waxayna hadda u baqayaan naftooda.

Qarkood oo aynu la sheekeysanay ayaa waxay kuu sheegayaan in afduubkii Hanad Cali Guuleed uu ka dhigan yahay in markaan la damacsan yahay dhibaatooyin kale oo lagula dhaqaaqo wariyaasha.

Waxay sheegayaan in haddii inta Hanad la afduubtay, la haystay 24-saac, la jirdiley meel cidlo ahna lagu tuuray ay middaasi ka dhigan tahay in wariyasha kalena loo soo socdo.

Inta badan wariyaasha Soomaalida ayaa ah kuwo la kulmo tacaddiyo kala duwan, haddii ay ahaan laheyd dowladda federaalka, Al-shabaab iyo maleeshiyaad kaleba.

error: Content is protected !!