C/weli Gaas oo heshiis ku saabsan dekadda Boosaaso la galaya Shirkadda DP World

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo maanta ku wajahan dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta, ayaa lagu wadaa in halkaasi uu heshiis kula soo saxiixdo shirkadda DP World,  kaasi oo ku aadan dekadda magaalada Boosaaso.

Xog aynu helnay waxay sheegeysaa in heshiiskaan lagu wareejin doono shirkaddaan dekadda Boosaaso, sidii ay horey ula wareegtay oo kale dekadda Magaalada Berbera.

Sidoo kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in suuragal ay tahay in Gaas uu soo saxiixo in Imaaraadka uu saldhig militeri ka furto magaalada Boosaaso.

Dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo weli kama aanay hadal arrintaan, waxaana heshiiskaan haddii uu Gaas saxiixo lagu sheegayaa inuu yahay mid aad u halis ah.

Madaxweyne Farmaajo, waxa uu horey u sheegay inuusan raali ka ahayn in shirkadaha laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay la wareegaan dekaddo ku yaalla dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!