DEG DEG:- Dagaalyahanada Al-shabaab oo la wareegay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud

Warar goordhow kusoo dhacay warqabadka warbaahinta Bulshoweyn ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-shabaab ay gudaha u galeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugnaa degmada Ceelbuur ayaa la sheegayaa in iyaguna ay degmadaasi ka baxeen markii ay halkaas faarujiyeen ciidamada Itoobiya.

Al-shabaab ayaa haatan fariisimo ka sameystay guud ahaan degmada Ceelbuur, waxaana dhanka kale ay wadaan howlgallo ay ku baarayaan guryaha ku yaalla degmadaasi.

Dadka faro ku tiriska ahaa ee ku sugnaa degmada Ceelbuur ayaa lagu soo waramayaa in halkaas ay bannaanka uga baxeen kadib markii ay ka baqeen in dhibaato ay soo gaarto.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allah

error: Content is protected !!