Dowladda Uganda oo ciidamo cusub usoo direysa Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa Todobaadyada soo aadan waxay Soomaaliya usoo direysaa ciidamo badan oo ka qeybqaata howlgallada nabad ilaalinta ah ee Soomaaliya.

Ciidamadaan ayaa tiro ahaan gaaraya 1845 askari, waxaana ay dhowaan soo dhammeysteen tababaro adag, iyaga oo katirsan ciidanka xoogga dalka Uganda.

Taliyaha ciidamada Uganda General David Muhoozi ayaa askartaan kula dardaarmay iney ilaaliyaan sharafta dalkooda iyo dalka ay ka howlgalaayaan ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in looga baahan yahay in si sharaf ay ku dheehan tahay uga shaqeeyaan Soomaaliya, islamarkaana ay la shaqeeyaan dadka shacabka ah, iskana ilaaliyaan weerarada kaga yimaada Al-shabaab.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada badan ka joogaan Soomaaliya, waxaana ciidamadaan cusub ee soo socda ku biirayaan kuwa kale ee dowladaasi ka jooga dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!