Faah faahin:- Qaraxyo lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugan degmada Afgooye

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qaraxyo Bam ah oo habeenkii xalay lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ku sugan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Illaa seddax Bam ayaa la sheegay in saqdii dhexe ee xalay lagu tuuray ciidamo ku sugan Koontaroolka Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey 4 askari oo kamid ah ciidamadii halkaasi ku sugnaa ayaa qaraxyadaas ku dhaawacantay, waxaana la xaqiijiyay sidoo kale inay baxsadeen raggii qaraxyadaasi ka dambeeyay.

Ciidamada ayaa rasaas xooggan riday qaraxyadaasi kadib, waxaana lasoo sheegayaa in saakay ay ciidamada howlgallo ka wadaan gudaha degmada Afgooye.

Ma jirto cid illaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaan, hase ahaatee qaraxyada sidaan oo kale ah waxaa geysta dagaalyahannada Al-shabaab.

error: Content is protected !!