Gawaari casri ah oo maanta lagu wareejiyay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya (SAWIRO)

Hay’adda caalamiga ee IOM-ta ayaa maanta gawaari loogu talagalay in lagu ilaaliyo xaduudaha dalka ku wareejisay agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaliya G/Sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi.

Munaasabadda lagu kala wareegayay gawaaridaan casriga ah ayaa ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Gawaaridaan ayaa ah kuwo casri islamarkaana intooda badan laga isticmaalo dalalka horumaray.

Waxay gawaaridaan sidoo kale sheegayaan in si sahal ah lagu ogaado hadii dad aan soo marin xarumaha laga ilaaliyo xaduuda ay isku dayaan inay ka gudbaan xaduudaha dalka.

Sidoo kale, gawaaridaan ayaa sahlaya in si deg deg ah loo ogaado dadka sharci daradda uga gudbaya xaduuda iyo tiradda ay yihiin islamarkaana xaawaaraha gawaaridaan, si dhaqso ah loogu taggi karo.

Ugu dambeyntii, deeqdaan ay hay’adda IOM-ta ugu deeqday hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaliya ayaa meesha ka saari doonto in si fudud lagu soo galo ama looga baxo xaduudaha dalka Soomaliya oo muddo 26 sano ah dayacnaa.

error: Content is protected !!