Madaxweynaha Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galeyr oo u hanjabay maamulka Puntland

Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa u hanjabay maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo C/weli Maxamed Cali Gaas.

Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in maamulka Puntland uu kasoo horjeedo horumarka uu wado maamulkiisa, islamarkaana ay isku dayaan inay marwalibo carqalad ku abuuraan maamulkiisa.

Waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay la dagaallami doonaan maamulka Puntland, haddii aanu ka joogin dhibaateynta ay ku hayaan Khaatumo waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Puntland waxay naga dooneysaa dagaal, waxay marwalbo hor taagan tahay horumarkayaga, haddii aney ka waantoobin waxa ay inagu waddo waxaa ballan ah inaan la dagaallanno oo aan iska celinno” Sidaas waxaa yiri madaxweynaha Khaatumo State Prof. Cali Khaliif Galeyr.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Khaatumo oo ah maamul ka dhex dhisan Puntland iyo Somaliland ayaa carqalado badan kala kulma labadaasi maamul.

error: Content is protected !!