Xildhibaannada baarlamaanka oo maanta kulan xasaasi ah ku leh magaalada Muqdisho

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan xasaasi ah ku leeyihiin xaruntooda magaalada Muqdisho, waxaana kulankaasi looga hadli doonnaa arrimo dhowr ah.

Xildhibaannada ayaa kulanka maanta ay yeelan doonaan waxaa loogu qeybin doonnaa miisaaniyadda dowladda ay ku shaqeyn doonto sanadkaan 2017-ka.

Marka loo qeybiyo waxay haystaan muddo 24-saacadood ah oo ay kusoo akhrisan doonaan, kadibna waxay xildhibaanandu bilaabi doonaan in miisaaniyadda ay ka doodaan.

Sidoo kale xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxa ay ka doodi doonaan arrimaha ku aaddan qaraaradii ugu dambeeyay sida meel-marintii golaha wasiirada iyo arrimo kale.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allah

error: Content is protected !!