XOG:- Ahlu-sunna Waljameeca oo xilal muhiim ah ka dalbatay dowladda Soomaaliya

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca oo hadda doonaya inay usoo dhawaadaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xilal aad u muhiim ah ka dalbatay dowladda dhexe.

Qoraal ay Ahlu-sunna usoo gudbiyeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxay ku dalbadeen in la siiyo xilal culus oo ay ku jiraan guddoomiyeyaal degmo oo Muqdisho ah, agaasimayaal wasaarado muhiim, taliyeyaal ciidan iyo xilal kale.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa laga rajeynayaa inuu u fuliyo dalabkooda maadaama hadda yihiin kooxda kaliya ee taageersan siyaasadda dowladda, hadane aan wax xil ah haysan.

Hoggaamiyaha Ahlu-sunna Waljameeca ayaa sidoo kale diyaarinaya shaqsigii noqon lahaa madaxweynaha maamulak Galmudug, sababtuna waxay tahay waxay doonayaan inay yeeshaan awood lamid ah kuwa ay hadda haystaan maamul goboleedyadda.

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ayaa ah urur magac weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed, waxaana ururkaan uu ka taliyaa qeybo kamid ah gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!