XOG:- Ciidamada Itoobiya oo dhawaan faarujinaya gobolka Galgaduud

Xog hoose oo ay heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaysa in ciidamada Itoobiya ay dhawaan faarujin doonaan dhammaan deegaannada iyo degmooyinka ay ka joogaan gobolka Galgaduud.

Xogtu waxay sheegeysaa in ciidamadaan lagu soo amray inay isaga soo baxaan gobolkaasi, dhammaantoodna ay yimaadaana gobolka Hiiraan.

Lama oga ulajeedka rasmiga ah ee ka dambeysa in ciidamadaan ay ka tagaan gobolka Galgaduud, hase ahaatee ciidamada Itoobiya ayaa xilliga ay doonaan gala gobollada dalka, xilliga ay doonaanna waa ay ka tagaan.

Itoobiya ayaa kamid ah dalalka deriska ah ee aan sida sharciga ah badi ciidamadooda kusoo gelin dalka Soomaaliya, waxaana mar walbo ciidamadaan ay fulliyaan tacaddiyo kala duwan.

Mar walba oo dowlad cusub ay ka dhalato Soomaaliya, dowladda Itoobiya waxay ku hanjabtaa in ciidankeeda ay kala baxayso Soomaaliya.

error: Content is protected !!