XOG:- Shaqaale badan oo laga ceyrin doonno xafiisyada dowladda (AKHRISO SABABTA)

Waxaa socda qorshe ballaaran oo xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ku damacsan tahay in shaqada looga eryo shaqaale badan oo hadda xafiisyada dowladda ka shaqeeya.

Xog ay heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaysa in sababta ugu weyn ay tahay shaqaale la arkay iyaga oo magacyadooda meelo badan oo xafiisyada dowladda ah ka diiwaan-gashan, aan shaqeyn sidoo kalena mushaarka ku qaata dhowr qof oo kale.

Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in inta sida saxda ah u shaqeeysa ee xafiisyada dowladda ay aad u yar tahay, sidaasi darteedna lama huraan ay tahay in wixii aan shaqeysaneyn la eryo.

Waxaa dhawaan soo bixi doonna liiska shaqo ka fariisinta shaqaale dhowr ah, waxaana la wadaa hadda isku daba ridka liiskaasi iyo sidoo kale fursad siinta shaqaalahaasi qaarkood, bal iney wax iska bedalaan.

Shaqaale badan ayaa maalin walba lagu tiriyaa inay ka shaqeeyaan xafiisyada dowladda, hase ahaatee ma jirto cid u shaqeeysa sidii saxda aheyd.

error: Content is protected !!