Burcad badeedda oo la xaqiijiyay inay haystaan labo doon oo xamuul ah

Saraakiisha ciidamada la dagaallanka burcad badeedda Soomaalida ayaa xaqiijiyey in kooxahaasi ay gacanta ku hayaan labo doon oo dhawaan ay ka qafaashaan meel u dhow xeebaha Soomaaliya.

John Steed oo ka tirsan hay’adda Oceans Beyond Piracy ayaa sheegay in labadaasi doon lagu kala hayo degmooyinka Hobyo iyo Eyl oo ka kala tirsan Mudug iyo Nugaal.

Waxa uu sheegay sarkaalkan inay jiraan diyaarado dagaal oo badi-goobaya doonyahaan, si ay usoo furtaan islamarkaana dadaal caalami ah uu socdo.

Labadaan doon mid kamid ah waxaa laga leeyahay dalka India, waxaa saaran shaqaale gaaraya 11, waxaana ay kasoo shiracatay Dubai, iyadoo dhanka Yemen ku socotay.

Doonida kale ee ay haystaan kooxahaan burcad badeedda ah weli lama shaacin dalka laga leeyahay, balse waxaa lasoo sheegayaa in iyana lagu raadjoogo.

Burcad badeedda ayaa xoojiyey maalmahan dambe qafaalka ay ku hayaan maraakiibta iyo doonyaha shisheeye, maadaama ay baddii ay ka shaqeysanayeen qatiyaan uga joogaan maraakiib xaaluf ah.

error: Content is protected !!