Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo amniga kala wareegaya AMISOM (GOORMA)

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM ay dhawaan kala wareegi doonaan amniga guud ee dalka.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Maxamed Aadan Axmed (Buud), ayaa sheegay in haatan la diyaarinayo ciidamo Soomaaliyeed oo isku dhaf ah, si ay u hantaan ammaanka iyo kala dambeynta dalka.

Waxa uu taliyaha sheegay in markii la isku dubarido ciidamadaasi ay dalka ka bixi doonaan ciidamada AMISOM, amniga dalkana lagu wareejin doono xoogga dalka waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Walaalaheena AMISOM waxaan kala wareegi doonnaa amniga dalka marka la diyaariyo ciidamada isku dhafka ah ee xoogga dalka, ciidamadaasi waxaa laga kala keeni doonaa meel walbo oo dalka ah, kadibna waxay buuxin doonaan booska AMISOM” Sidaas waxaa yiri taliyaha Maxamed Aadan Axmed (Buud)

Madaxweyne Farmaajo ayaa ololihiisii doorashada madaxweynaha waxa uu ku sheegay in muddo sanad ah ku diyaarin doonno ciidamo bedala kuwa AMISOM.

error: Content is protected !!