Dagaalyahanadda Al-shabaab oo dad shacab ah ku dilay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahanadda Al-shabaab ay halkaasi ku dileen labo qof oo shacab ah.

Qof ku sugan degmadaasi ayaa u sheegay warbaahinta Bulshoweyn, in ciidamada Al-shabaab ay labo nin oo kamid ahaa dadka deegaanka ay guryahooda kala soo baxeen, kadibna ay toogteen.

“Nimankaan waxay kala soo baxeen guryahooda labadaasi nin, kadibna waa ay toogteen, annaga ma naqaan waxa ay u dileen, kolley degmadana dad yar ayaan ku joognaaā€¯ Sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo diidday inaynu magaciisa warbaahinta u adeegsano.

Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa maalintii shalay la wareegay degmada Ceelbuur kadib markii ay degmadaasi isaga baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa inta badan dilal sidaan oo kale ah ka geysta degmooyinka iyo deegaannada kale oo ay la waeegaan.

error: Content is protected !!