DEG DEG:- Dagaal xooggan oo goordhaw ka bilawday gobolka Shabellaha Dhexe

Dagaal u dhaxeeya labo beelood oo walaalo ah ayaa goordhaw ka bilawday tuulada Jameeca Misre oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii labadaan beelood isku fahmi waayeen arrimo la xiriiro dhul daaqsin ah, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Ku dhawaad 5 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa geeriyootay, waxaana dhaawacmay tiro intaas ka badan, sida ay inoo sheegeen dad deegaankaasi ku dhaw.

Sidoo kale beelaha dagaallamaya ayaa iska gubay guryo badan, waxayna isku adeegsanayaan hub aad u culus, mana jirto cid kala dhexgashay dhinacyada dagaallamay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!