Kenya oo ka feejigan weeraro dhinac walbo ah oo kaga yimaada Al-shabaab

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay aad uga feejigan tahay weeraro dhinac walbo leh oo kaga yimada Xarakada Al-shabaab.

Qoraal kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka heegan buuxa la geliyay, islamarkaana laga taxadarayo weeraro Al-shabaab ku qaadaan magaalooyinka Mombasa, Nairobi iyo sidoo kale saldhigyadooda gobolka Waqooyi Bari.

Sidoo kale, dowladda Kenya ayaa sheegtay inay haayaan xog sheegaysa in dagaalyahanada Al-shabaab ay doonayaan in weeraro culus ay ka geystaan deegaanno kamid ah dalkaasi.

Saraakiisha amniga ciidanka Kenya ayaa la faray in aysan heeganka ka bixin illaa ammar dambe, islamarkaana ay xoojiyaan shaqadooda.

Al-shabaab ayaa xoojisay weerarada ka dhanka ah dowladda Kenya, tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 2011, xilligaasi oo gudaha dalka ay soo galeen ciidamada Kenya.

error: Content is protected !!