Xiisad dagaal oo laga soo sheegayo degmada Hobyo ee gobolka Mudug

Wararka naga soo gaaraya degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xiisad dagaal oo u dhaxeeysa ciidamada maamulka Galmudug iyo koox burcad badeed ah ay halkaasi ka taagaan tahay.

Maamulka Galmudug ayaa doonaya in si awood ah ay kusoo furtaan doon ganacsi ah oo meel ku dhow degmada Hobyo kasoo qafaasheen kooxda burcad badeed ah.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan degmada Hobyo ayaa warbaahinta Bulshoweyn u sheegay in ciidamada Galmudug ay doonayaan in dagaal culus ay la galaan burcad badeedda.

Doonidaan ku qafaalan Mudug, waxay ku socotey dhanka magaalada Kismaayo, waxaana ay u raran tahay ganacsato Soomaaliyeed.

Ciidamada Galmudug ayaa abaabulkooda waxay ka wadaan gudaha degmada Hobyo, waxaana halkaasi ku qulqulaya ciidamo aad u badan.

error: Content is protected !!