XOG:- Ciidamo AMISOM ah oo la qorsheynayo in dhawaan la geeyo magaalada Gaalkacyo

Taliska ciidamada AMISOM ayaa wada qorshe ballaaran oo ay ku doonayaan in ciidamo badan ku geeyaan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Qorshahaan oo ay soo jeediyeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la doonayaa in maamuladdaGalmudug iyo Puntland laga dhaadhiciyo.

Ciidamadaan ayaa la qorsheeyay in la kala dejiyo garoonka diyaaradaha Gaalkacyo iyo sidoo kale xadka kala qeybiya Koonfurta iyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Puntland ayaan la ogeyn sida ay ku aqbali doonaan ciidamada AMISOM ee howlgalka nabadeed u jooga dalka Soomaaliya, maadaama ay horay u sheegeen in deegaanadooda aanay u rabin ciidamo ajaaniib ah.

Ulajeedka rasmiga ah ee ciidamadaan in la geeyo Gaalkacyo ayaa ah in la nabadeeyo magaaladaasi, shacabkana ay noqdaan kuwo si niyad ah ku wada socda.

error: Content is protected !!