XOG:- Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhawaan xilka laga qaadayo

Xog hoose oo ay heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegeysa in dhawaan xilka laga qaadi doonno guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaysa in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre ay isku raaceen in xilka laga qaado Yuusuf Madaale.

Waxaa haatan diyaarsan shaqsigii lagu bedali lahaa guddoomiye Yuusuf Madaale, iyadoo kaliya ay dhiman tahay in wareegtada xil ka qaadista lagu soo daabaco faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Yuusuf Madaale ayaa horey marar badan uga dalbaday madaxweyne Farmaajo inaanu xilkaasi ka qaadin, kadib markii uu ku andacooday in shaqooyin badan ay u yaallaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wada xil ka qaadis iyo magacaabis, waxaana isbedal buuxa lagu sameynayaa dhammaan hay’adaha dowladda Soomaaliya.

error: Content is protected !!