Beelihii ku dagaalamay Shabellaha Dhexe oo weli isku hub uruursanaya

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanka Jameeca Misre ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka jirto xiisad kacsanaan ah.

Inkastoo maanta aanu halkaasi dagaal ka socon ayaa hadana wararka waxay sheegayaan in beelihii shalay dagaalamay ay weli isku hub uruursanayaan.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan degmada Balcad oo ku dhow deegaankaan lagu dagaalamay ayaa inoo sheegay in la arkaayo maleeshiyaad badan oo halkaasi ku qulqulaya.

Dagaaladii shalay waxaa ku dhintay in ka badan 5 qof, iyadoo dhaawacana uu gaaryo 10, sida saraakiisha caafimaadka ee Shabellaha Dhexe inoo sheegeen.

Maamulka degmada Balcad, kan Sh/dhexe iyo guud ahaan maamulka Hirshabelle weli kama aaney hadal dagaalkan.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allah

error: Content is protected !!