DEG DEG:- Qarax xooggan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax aad u xooggan ayaa goordhaw waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel aan ka fogeyn dhismaha xarunta wasaaradda amniga.

Wararku waxay sheegayaan in qaraxaan loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaasi oo ku qarxay maqaayad ku dhow wasaaradda.

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaan oo xooggiisa laga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho.

Waxaa halka qaraxa uu ka dhacay gaaray ciidamada ammaanka oo dadka kala eryaya iyo sidoo kale gaadiidka Ambalaasta oo dhaawacyada qaadaya.

Markii uu qaraxaan dhacaayay waxaa mashquul aad u badan laga dareemayay wadadaasi oo ay marayeen arday iyo sidoo kale dad kale oo shacab ah.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allah

error: Content is protected !!