Diiwaangelinta musharixiinta madaxweynaha Galmudug oo maanta ku eg

Waxaa maanta oo Arbaco ah ku eg diiwaangelinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug, sida ku xusan jadwalka doorashada ee madaxweynaha maamulkaasi.

Gelinka dambe ee maanta, guddiga doorashada Galmudug ayaa saxaafadda usoo bandhigi doonna magacyada iyo sidoo kale tirada musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Galmudug.

Illaa iyo hadda lama hayo tiro sax ah oo ku saabsan inta musharax ee is diiwaangelisay, hase ahaatee degmada Cadaado waxaa laga dareemayaa mashquulka doorashada.

Sida qorshaha yahay 10-ka bishaan waxaa lagu wadaa in doorashada madaxweynaha Galmudug ay ka dhacdo degmada Cadaado, kadib markii madaxweyne Guuleed uu xilkaasi iska casilay.

Ammaanka guud ee degmada Cadaado ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo amni xaqiijin ah.

error: Content is protected !!