Faah faahin:- Khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho (SAWIRO)

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax gaari loo adeegsaday oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga wasaaradda amniga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa la sheegay in la hor dhigey goob maqaayad ah oo ku taalla halkaasi, gaar ahaan inta u dhaxeeysa dhismayaasha wasaaradaha amniga iyo ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintay ugu yaraan 5 ruux oo u badan shacab, iyadoona dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Dadka ku dhaawacmay qaraxan waxaa loola cararay Isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana weli socda gurmadka loo sameynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Dowladda federaalka Soomaaliya, wasaaradda amniga iyo hay’adaha arrimaha ku shaqada leh weli wax war ah kama aanay soo saarin qaraxaan ka dhacay Muqdisho.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda amniga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa maalintii shalay sheegay inay keeneen qorsheyaal ballaaran oo lagu sugaayo ammaanka guud ee magaalada Muqdisho, balse weli ma muuqato wax isbedal ah.

error: Content is protected !!