Feysal Khaliif “Waxaan hadda aragnaa inuu qaanuunku shaqeeynayo..” (DHAGEYSO)

Maxkamada gobolka Nugaal ayaa maanta go’aan kama dambeys ah kasoo saartay dacwad loo heystay teleefishinka Universal TV, oo muddo bil ah aanay ka howlgalin deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Puntland.

Dhageeysiga kiiskaan oo dhowr jeer hore uu dib u dhacay ayaa maanta maxkamada waxay wasaaradda warfaafinta ee maamulka Puntland ku xukuntay inay magdhow siiso teleefishinka Universal TV, islamarkaana ay bixiso mudaddii uu teleefishinka ka xayirnaa dhaqaalihii soo gali jiray iyo kharashaadkii kale ee mudadaasi ku baxay.

Maxkamada ayaa sidoo kale teleefishinka Universal TV ku xukuntay ganaax lacageed oo gaaraya illa $2000 (Labo Kun oo Dollar) oo anshax marin ah.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta ee maamulka Puntland (MAP) Feysal Khaliif Barre oo ka hadlay go’aanka maanta ee maxkamada gobolka Nugaal ayaa sheegay in maxkamada in si taxadar leh uga fakartay go’aanka lagu xukumay Universal-TV, isagoo sidoo kale sheegay in go’aankan uu ahaa mid guul ah.

“Waxaan hadda aragnaa inuu qaanuunku shaqeeynayo, oo aanay xukuumaddu iska qaaddi karin tallaabooyinka ay doonto, maantane waxaa aragnaa in maxkamadu ay si taxadar leh uga fakartay go’aanka lagu xukummay Universal TV, marka koowaad waxaana guul noo ah in xafiisyadii Universal TV ee Puntland ay si rasmi ah u shaqeyn doonaan, marka labaaad waxay guul qaanuuni ah ay tahay in kharash allaale kharashkii ka lumay teleefishinka Universal TV inuu dusha ka saaran yahay wasaaradda warfaafinta Puntland iyo xukuumadda Puntland” Sidaasi waxaa yiri  Feysal Khaliif Barre.

Maamulka Puntland ayaa bilawgii bisha hore ee Maarso waxay teleefishinka Universal ka mamnuucday inuu ka howlgalo deegaanada ay ka arimiso, kadib markii ay ku eedeeyeen in teleefishinka uu baahiyay muuqaalo anshax xummo ah, islamarkaana lagu ceebaynayo madaxda sare ee Puntland.

Illaa iyo haatan ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay wasaarada warfaafinta ee maamulka Puntland oo ay kaga hadlayaan go’aankaasi oo ay maanta soo saartay maxkamada gobolka Nugaal.

error: Content is protected !!