Puntland oo ciidamo gaar ah u sameysay xasilinta amniga magaalada Garoowe

Maamulka Puntland ayaa ciidamo gaar ah u sameeyay xasilinta amniga guud ee magaalada Garoowe, xarunta gobolka Nugaal.

Ciidamadaan oo la siiyey tababar gaar ah, ayaa7-da bishaan waxay howlgallo culus ka bilaabi doonaan magaalada Garoowe, iyaga oo la dagaallami doona cid walba oo amni xumo wadda.

Wasiirka amniga maamulka Puntland Cabdi Cali Xirsi Qarjab oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo kaliya u gaar ah xaqiijinta amniga caasimadda Puntland.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in sidoo kale howlgallo sidan oo kale ah ay ka sameyn doonaan dhammaan deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Puntland.

“Ciidamadan waa kuwo u gaar ah amniga magaalada Garoowe, waxay qaban doonaan cid walbo oo hub wadata, waxay la dagaallami doonaan shar wadayaasha, waana kuwii lagu nasan lahaa” Sidaasi waxaa yiri wasiir Qarjab.

Uljeedka ciidamadaan loo sameeyay ayaa ah kadib markii maalmihii ugu dambeeyay magaalada Garoowe ay kusoo bateen falalka ka dhanka ah amniga.

error: Content is protected !!